HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: RW Xamse oo tababar usoo xiray Ciidamo loo diyaariyey Dagaalka AS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi  Barre ayaa maanta diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter-ka ku tegay Saldhigga ciidamada kumaandooska DANAB ee Ballidoogle oo ku yaalla Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka, kuwaasi oo loo diyaariyey howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo ciribtirka Al-shabaab, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi  Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan.

Exit mobile version