Site icon HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Rag hubeysan oo geystay falal halis oo howlgal qorsheysan lagu qabtay

Laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii la soo dhaafay Cabasho wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Boosaaso.

Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo Maanta lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Boosaaso.

Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay Moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas. Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo hada xaaladohooda Caafimaad lagu daweenaayo Magaaloyinka Muqdisho iyo Itoobiya,

Qabaahada ragan dhalinyarada u badan ayaa timid, kadib markii Booliska ay gacan ka heleen shacabka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u geysanaaya, iyadoona intaas kadib ay howlgalo ay sameeyeen taliska Booliska Gobalka Bari.

 

Exit mobile version