HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: Qarax aad u xoogan oo ka dhex dhacay Guri ku yaalla Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley ee Gobolka, kaasi oo jugta xoogiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid gaari lagu diyaarinaayey ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Guri ku yaalla xaafad kala qeybisa degmooyinka Dharkeenley iyo Kaxda ee Muqdisho, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Qaraxa ayaa la rumeysan iney ku dhinteen raggii guriga ku dhex diyaarinayey oo aan tiradooda la ogeyn, waxaana meydkooda oo jarjarmay laga helay guriga iyo agagaarkiisa.

Sidoo kale qaraxan ayaa burbur baaxad leh u geystay dhismaha lagu diyaarinayey oo ahaa guri weyn, waxaana sidoo kale qaraxaas uu waxyeelo u geystay guryo kale oo ku dhowaa, sida lagu arkayey Sawirro goobta laga soo qaaday, lana faafiyey.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya  iyo maamulada labada degmo ee Dharkeenley iyo Kaxda ayaa gaaray dhismaha uu ka dhacay qaraxan halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano inkastoo illaa hadda aysan wax war ah ka soo saarin.

Exit mobile version