HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo iyo mucaaradka oo…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur-galbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Konfur-galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale kusii jeeda xubnaha Mucaaradka Madaxweyne Lafta-gareen oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo  xubno kale, si ay uga qeyb galaan shirka.

Exit mobile version