HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay dhiggiisa Ruwaanda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Ruwaanda Paul Kagame oo ay ka wada qayb galeen Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Ruwaanda ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale Farmaajo iyo Paul Kagame ayaa waxaa ay isku raaceen Xoojinta Iskaashiga iyo horumarinta wax wadaqabsi ka tarjumaya danaha iyo yoolasha labada Qaran ee dowladdaha Soomaaliya iyo Ruwaanda.

Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Magaalada Istanbuul oo uga qeyb galay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo shalay ka furmay Magaaladaas.

Farmaajo ayaa kulamo kale la qeyb qaadan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galay Shirweynaha Turkiga iyo Afrika, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka, amniga, ganacsiga, maalgashiga Soomaaliya iyo dhaqaalaha.

Exit mobile version