HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Madaxweynaha Kenya oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda ah ee dalka Itoobiya ayaa waxaa gaaray Madaxweynaha dowladda Kenya Uhurre Kenyata iyo wafdi uu hoggaaminayey, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Addis Ababa ayaa Madaxweyne Uhurre Kenyata kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladdaas, kadibna waxaa loo galbiyey Xarunat Madaxtooyada.

Imaanshaha Uhurre ee Addis ayaa kusoo beegmaya xilli qalalaase siyaasadeed oo dagaal isu baddelay ka socda deegaamo badan oo Itoobiya kamida kuwaasoo la iskula soo dhawaaday Caasimadda Addis Ababa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmrd ayaa waxaa la filayaa in Maalinta Berito ah inay u duulaan Magaalada Kampala halkaas oo uu ka furmayo Shir looga hadlayo xaaladaha Itoobiya iyo Suudaan.

Exit mobile version