HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Howlgalka ATMIS oo hub laga furtay Al-shabaab ku wareejiyay CXD

Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay malleeshiyada Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hubkan oo isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan ayaa waxaa kasoo furtay Al-shabaab Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellada Hoose.

Marwo, Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal: Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka.

Exit mobile version