HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Guddiga Doorshada Guddonka Aqalka Sare oo Booqday goobta Doorashada

Gudidda qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa kormeer ku tegay Xarunta Teendhada Afisyoone oo berri 26-ka bishan ay ka dhacayso Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Xubnaha Gudidda ayaa kormeerkooda la xiriiray xaqiijinta u diyaargarowga howsha baaxadda leh ee guddo galja Doorashada Guddoonka Aqalka sare, taasi oo loo qorsheeyay inay ka dhacdo Xarunta Teendhada Afisyoone.

Howlka ayaa waxaa lagu diyaariyey kuraasta loogu tala-galay inay ku fariistaan Xildhibaanada Aqalka Sare, Musharaxiinta u tartameysa Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeenka.

Doorashada berry dhaceysa ayaa waxa ay xubnaha Aqalka Sare kusoo dooran doonaan Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ku-xigeenadiisa, waxaana Magaalada Caasimadda ah ka socda olole doorasho oo xoogan, kun aadan doorashada dhaceysa.

 

Exit mobile version