HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: Ciidamo tababar sare soo qaatay oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa dalka ku soo dhaweeyay Cutub Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ah oo dhawaan tababar mudo 3 bilood ah ku soo dhameystay Dalka Jabuuti.

Ciidankan ayaa horay bartamihii sanadkaan tababar loogu qaaday Dalka Jabuuti, gaar ahaan Xerada Ciidanka Boliiska Jabuuti ee IDRIS FARAH CABANE, halkaas oo ay Ku soo qaateen tababar la xariira xirfadaha Ciidanka.

Tabararadaan oo joogto ah ayaa qeyb ka ah tabarada iyo taakulada ay Dowlada Talyaanigu kaga qeyb qaadato Dhismaha DowlaDda Soomaaliya ee MIADIT, halkaas oo Ciidanka Carabinieriga Taliyaanigu ay Siiyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti tababarka ciidankan oo ah Dufcaddii 17-aad ee Daraawiishta ee tababarka ku soo qaatay dugsiga tababarka Booliiska ee dalka Jabuuti.

Exit mobile version