HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: Amarkii kasoo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta la fuliyey

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Deeq gargaar ah u dirtay Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib amarkii kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.

Wasiirka gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa diyaaraddo sidda gargaar u dirtay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan deegaano, maalmo kahor ay dagaalo ku dhexmareen Ciidanka Liyuu Boolis iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deeqda Gargaarka ah oo diyaarado looga qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa isugu jirtay raashin iyo daawo, sida ay shaacisay Wasiirkaa Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dalka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka maanta gargaarka raashinka iyo daawada loogu diray shacabka ku ku nool Gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda amarkaas ay si deg deg ah ku fulisay.

Exit mobile version