HORUFADHI MEDIA |

SAWIRO: Axmed Madoobe oo Booqday degaanadii u danbeeyay ee laga saaray AS

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta booqasho Ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab ee ka tirsan Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole  iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee weli Al-Shabaab ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka Dowladnimada.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay  saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

Exit mobile version