HORUFADHI MEDIA |

Saraakiil loo heysto Musuq oo maanta la horgeeyay Maxkamadda G/Banaadir

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeey Maxkamadda gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan wasaaradda maaliyadda dowladda FS, kuwaas oo ku eedeysan Musuq-maasuq.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa shaaciyay waaxaha ay ka howl-galayeen saraakiishan, kuwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda.

Saraakiishan maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeayay ayaa ku eedeesan musuq maasuq iyo in ay sameesteen dukumiintiyo been abuur ah.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa eedaysanayaashan u gudbisay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda.

Exit mobile version