Site icon HORUFADHI MEDIA |

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab oo si lama ah isku soo dhiibay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab ay isku soo dhiibeen ciidanka xoogga ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Shabaabka ee isa-soo dhiibtay ayaa waxaa hoggaaminayay
Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa, sida lagu shaaciyay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka.

Dagaalo khasaaro badan dhaliyey ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Al-shabaab xubno ka tirsanaa ay keentay inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda oo dagaal adag kula jira.

Exit mobile version