HORUFADHI MEDIA |

Safiirkii Somalia ee Sacuudiga oo xilkii iska casilay & Eed culusna u jeediyay

Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Sacuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga, isagoo eedeymo culus u jeediyay Madaxa Protokoolka Madaxweynaha.

Qoraal uu soo saaray Saalim Macow ayaa waxa uu ku sheegay marka hore in laga reebay ka qeyb galka Shirkii 32-aad ee Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga qeyb galay magaalada Jiddah, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay inay tahay mid baalmarsan curfiga diblomaasiyada caalamka.

Amb. Saalim ayaa ku eedeeyay Madaxa hab maamuuska Madaxweynaha Hinda Culusow inay si xun ula dhaqantay, ayna u geysatay aflagaado , waxa uuna xusay in arrintaasi u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda balse ka gaabsaday wax ka qabashada xad-gudubka Hinda kula dhaqantay.

Waxa uu sidoo kale safiirka sheegay in loo diiday la kulanka iyo aragtida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud intii uu joogay Sacuudiga, waxa uuna xusay in dadka kale loo oggolaanay in madaxweynaha u galaan ayna si caadi ah u arkaan, balse isaga laga hor istaagay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo kahor safar ku gaaray magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo uu uga qeyb galay Shirka 32-aad ee Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta.

 

 

Exit mobile version