Site icon HORUFADHI MEDIA |

Safiirka Turkiga ee Suudaan oo ka dirqi ah uga badbaaday isku day Dil

Safiirka dowladda Turkiga u joogay dalka Suudaan ayaa ka badbaaday Weerar iyo Howlihii Safaaradda dalkaas oo loo wareejin doono magaalada Port Suudan

Gaariga Ambassador Ismail Çobanoğlu ayaa waxaa sabtidii shalay aheyd lagu tacshiiradeeyey gudaha magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan.

Warbaahinta Turkish-ka ayaa waxay ka soo xigteen Ilo Diplomasiyadeed inaysan Danjiraha ama Shaqaalaha Safaarada Türkiye ee la socday waxyeelo ka soo gaarin dhacdadaasi.

Ciidanka dowladda Suudaan iyo kuwa Gurmadka Degdega waxa uu midba dhinac kale ku eedeeyey Tacshiiradaasi lala beegsaday Gaariga khaaska ee Safiirka dalka Turkiye u jooga dalkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka RSF waxay Falkaasi ku eedeeyeen Ciidanka dowladda iyo inuu Weerarkaasi ahaa mid Xadgudub ku ah dhamaan Sharuucda Caalamiga iyo Heshiiska Geneva Convention ee dhowrista Badqabka Diplomasiyiinta Shisheeyaha.

 

Exit mobile version