Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Safiirka Somalia ee Kenya oo isaga baxay Shir uu MW Uhuru isugu yeeray Safiiro

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu isaga baxay shir ay Madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay Kenya.

Sababta uu shirka uu baxay Safiir Tarsan ayaa ah, ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Madaxweyne Uhuro Kenyatta ayaa maanta la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkan.

Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXIN KOOBA

Exit mobile version