Site icon HORUFADHI MEDIA |

RW Xamse oo Denmark kala hadlay xoojinta taageerada ay siiyaan Dowladda Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay  dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,

Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen ayaa dhankiisa adkeeyey in  ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Exit mobile version