Site icon HORUFADHI MEDIA |

RW Xamse Barre iyo Maamulka Gobolka Banaadir kulan xasaasi ah ka yeeshay Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa maanta kulan muhiim oo ku saabsan sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale).

Kulanka oo ay sidoo kale ay ka qaybgaleen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, ayaa looga hadlay sugidda Amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada Al-shabaab.

Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, maadaama AS lagu soo jebiyay gobollada dalka ayna suuragal tahay inay ku soo dhuuntaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada.

Guddoomiye, Yusuf Xuseen Jimcaale oo intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada.

Exit mobile version