Site icon HORUFADHI MEDIA |

RW Xamse Barre oo magacaabay Guddiga Tira-koobka & soo celinta….

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Tira-koobka, soo celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Gudiddan ayaa ka kooban siddeed xubnood oo kala ah wasiirka Maaliyadda,wasiirka ganacsiga, wasiirka hawlaha Guud, wasiirka Arrimaha dibedda,Guddoomiyaha gobolka Banaadir,wasiir dowlaha madaxtooyadda,wasiir dowlahha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Hawlaha guddidan qaban doonto ayaa waxa laf dhabar u ah tirakoobka hantida dowladda,soo celinta hantidda qaranka ee sifaha sharci daradda ah loo haysto iyo sidoo kale ka talo bixinta nidaaminta hantida qaran ee la soo celiyey.

Exit mobile version