Site icon HORUFADHI MEDIA |

RW Xamse oo maalmo kadib ka hadlay Qaraxii lagu laayay Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maalmo kadib ka hadlay qaraxii lagu xasuuqay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka gaar ahaan kuwa guutada 14-ka Octoober ee ka dhacay kuliyada jaalle siyaad ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku sugan Daarusalaam ee dalka Tanzania ayaa waxaa uu tacsi u diray ciidamadii ku geeriyooday qaraxa lala beegsaday uu fuliyay qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarx ah, kaasi oo isku qarxiyey ciidamada oo xilligaas saf ku jiray.

Xamse Cabdi Barre oo khudbad u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed Tanzania ayaa xusay in qaraxaas uu yahay mid aad looga xumaado, ayna geysteen Ururka Al-Shabaab, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo askarta dhaawaca ah.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in askarta la qarxiyay ay ahaayeen kuwo Shaqo Qaran kujiray oo waajibaadkooda gudanayay, balse dadkii dhibaateeyay ay yihiin kuwo fuleeyo ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa weli ka hadlin qaraxa ay ku dhinteen Ciidamada ka tirsanaa Guutada 14-ka Octoober ee ka dhex dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Exit mobile version