Site icon HORUFADHI MEDIA |

RW Rooble oo War kasoo saaray bilaabashada Doorashada Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee maanta ka bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Rooble ayaana ugu horey hambalyo u diray Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo maanta labadoodaba loo doortay in ay kamid noqdaan Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaana ka codsaday Madaxda dowlad goboleedyada dalka in ay si deg deg ah u bilaabaan doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka , waxa uuna rajo ka muujiyay in guul kusoo dhamaadaan doorashada.

”Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.” ayuu yiri Rooble.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta bilaabatay ayaa la filayaa in bilaaw iyo furo u noqoto doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka dhici doona qaar kamid ah magaalooyin kuyaala maamul Goboleedyada dalka.

Exit mobile version