Site icon HORUFADHI MEDIA |

RW Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo kulan Deg-deg uga socda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa haatan waxaa uu kulan gaar ah uga socdaa Xarunta Madaxtooyada.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa looga wada hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii doorashada u noqon laheyd mid ku dhacda hannaan Cadaalad ah, isla makaana la saxo qalalaadka ka jira habraacyada.

Ilo-wareedyo ayaa sidoo kalena sheegaya in kulanka looga arrinsanayo sida Midowga Musharaxiinta uga qeyb geli lahaayeen Shirka  Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo 27 bishaan ka furmaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Midowga uga qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga.

Exit mobile version