Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ruushka oo Reer-galbeedka ugu digay inay Ukraine ka huriyaan Dagaal cusub

Russian President Vladimir Putin speaks as he chairs a meeting on drafting constitutional changes at the Novo-Ogaryovo residence outside Moscow, Russia, Thursday, Jan. 16, 2020. Putin proposed a set of constitutional amendments that could keep him in power well past the end of his term in 2024.(Mikhail Klimentyev, Sputnik, Kremlin Pool Photo via AP)

Xukuumadda Moscow, ayaa sheegay in Dagaalka kala dhaxeeya Ukraine uusan sabab u noqon Karin in Ruushka uu isticmaalo Hubka halista ah ee Nukliyeerka, balse waxay intaas ku dareen in laga yaabo Moscow in ay go’aansato adeegsiga Hubkeeda Nukliyeerka si ay uga jawaabto daandaansi kasta oo kaga yimaado dalalka NATO ee fara galinta ku haya Dagaalka Ukraine.

Diblumaasi ka socday Ruushka oo Talaadadii shalay hadal ka jeediyay Shir looga hadlayay ka hortagga faafidda Hubka Nukliyeerka, ayaa yiri: “ wararka ku saabsan in Ruushku uu isticmaalayo hubka Nukliyeerka, gaar ahaana uu u adeegsanaayo Ukraine, waa mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

Waxaa xusid mudan markii uu bilowday weerarka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu heegan sare galiyay Hubkiisa Nukliyeerka, taasi oo suurta gal ka dhigeeysa in markasta uu diyaar u yahay inuu isticmaalo.

Trofimov, oo ah Diblomaasi sare oo ka tirsan waaxda xakamaynta Hubka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, ayaa sheegay in Moscow ay isticmaali doonto Hubkeeda Nukliyeerka keliya marka lagu soo weeraro Hub khatar ku ah jiritaanka Ruushka.

Exit mobile version