Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare  Xamse oo War kasoo saaray Qaraxii Maanta ka dhacay Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaalada.

Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballan-qaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dad ku dhaw 10-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan ay ku jiraan wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle, sida wasiirka caafimaadka, wasiirka haweenka, Xildhibaano iyo xubno kale.

 

Exit mobile version