Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse oo safar Deg-deg ah uga dhoofay dalka & xogtiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Tunisia.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee TICAD ee horumarinta qaaradda Africa, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa Warfaafinta.

Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Tunis waxaa uu kulamo duceedyo la qaadan doonaa qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka horumarinta qaaradda Africa, isagoo kala hadli doona xoojinta arrimaha xiriirka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana Garoonka kasii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baxay dalka dibaddiisa, tan iyo markii uu xilkaasi u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Exit mobile version