Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Midowga Afrika kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan kula qaatay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Moussa ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan kale la yeeshay wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya, Mudane, Kamel Rezig, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xams ayaa Dowladda Aljeeriya u gudbiyay fariin uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in ay Dowladd Soomaaliya ka caawin donaan arrimaha la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo arrimaha gurmad abaaraha.

Exit mobile version