Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta shacabka Soomaaliyeed Codsi u diray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda Ciidul-adxaa ugu hambalyeeyay guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Eebbe ka baryay in uu dhammaan Ummada Muslimiinta ka  aqbalo acmaasha wanaagsan ee soo guteen, sidoo kalena Alle acmaasha xajka ka aqbalo xujayda  gudanaaya waajibaadka xajka.

“Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya” ayuu yiri RW Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag.

Exit mobile version