Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sameeyay magacaabistii ugu badneyd

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada ee xafiiskiisa, 4 la-taliyeyaal iyo 3 Agaasime oo ka tirsan xafiiskiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaay Maxamed Abuukar Subeyr, kaasi oo horey u ahaa mid kamid ah Agaasimeyaasha Wasaaraddaha dowladda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la-taliyihiisa dib u heshiisiinta u magacaabay Cali Cabdi Awaare, halka Kamaal Guutaale uu u magacaabay la-taliyihiisa ammiga. Sidoo kale la-taliyihiisa siyaasadda ayuu u magacaabay Dr. Axmed-nuur Maxamed Cabdi, halka uu Dr. Hodon Cismaan u magacaabay la-taliyihiisa arrimaha xiriirka caalamiga.

Dhanka kale Wariyihii BBC-da Farxaan Maxamed Jamcaale ayaa loo magacaabay afhayeenka Ahna agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

Exit mobile version