Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta ka dhoofay Muqdisho & ujeedka safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay magaalada Qaahida ee dalka Masar, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha.

Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Socdaalka uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre uu ku qaaday dalka Masar ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda  Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Exit mobile version