Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku wajahan Magaalada Baladweyne iyo ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa im saacadaha soo socda ee Maanta uu safar ku gaaro Magaalada Baladweye ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka socota gudaha Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Baladweyne. Wafdi hordhac u ah Xamse ayaa shalay halkaas gaaray

Ammaanka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa aad loo adeeyay, waxaana gudaha magaalada lagy arkayaa Ciidamo farabadan oo sugaya Amniga Magaalada Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedka safarkiisa ee Beledweyne waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda dadka kunool magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga.

Sidoo kale safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la xiriira sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada dowladda ka wadaan degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Exit mobile version