Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,  Maxamed Axmed Alcuthman oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.

Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta qiimaha badan.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, gurmadka  abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Exit mobile version