Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Amar deg-deg ah bixiyey, kadib markii Al-shabaab oo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen argagixisada.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.

Dagaal culus ayaa Arbacadii shalay ka dhacay deegaano ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah ku qaadeen halkaas.

Deegaanada ay Al-Shabaab weerareen ayaa kala ah; Yeed iyo Aato, halkaasi oo ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad shan saac.

Exit mobile version