Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray geerida Agaasimihii Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa War kasoo saaray Qaraxii xalay lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray qoyska, Ehelada, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wariye Cabdicaiis Afrika oo lagu dilay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika ku tilmaamay inuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

“Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax argagixisadu la beegsadeen. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caafimaad deg-deg ah u rajeeyay Agaasimaha Telefashinka Qaranka ee SNTV Sharmaake Maxamed Warsame oo isna ku dhaawacmay qaraxii Caawa, isagoona la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Exit mobile version