Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka ee dhawaan u soo magacaawaday Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Mareykanka ee Larry Adre ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo u muhiimsan tan Madaxweynaha dalka.

Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa sidoo kale looga wada arrinsaday inta uu socday Arrimaha amniga iyo la dagaallanka wax loogu yeero argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Safiirka Mareykanka Larry Adre ugu hambalyeeyay xilka ee loo soo magacaabay, sidoo kalena uu Safiirka u mahadceliyay Rooble.

 

Exit mobile version