Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ingiriiska kala hadlay Gurmadka Abaaraha Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Nick Dyer iyo xubnaha la socday waxa uu kala hadlay xaaladda abaareed ee dalka iyo sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dye ayaa sheegay in diyaar u yihiin sidii gacan uga geesan lahaayeen xaalada abaareed ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah Gobolada dalka waxaa xilligan ka jira xaallad abaareed oo aad u daran, waxaana adag in gurmad lala gaaro qaar kamid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku suggan Gobolada dalka.

Exit mobile version