HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Caawa kala diray Guddiyadii Doorashooyinka dadbanaa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Go’aan uu ku kala diray dhammaan Guddiyadii kasoo shaqeeyay doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka qabsoomay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu kala diray Guddiyadii doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddigii Xallinta Khilaafaadka, kuwaasi oo ka shaqeeyay doorashooyinkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa u mahadceliyay Guddiyaddii doorashada dadban, isla markaana waxaa uu ku boggaadiyay sidii wanaagsanayd ee ay u guteen Waajibaadkoodii ee loo idmaday ee ahaa qabashada doorashadooyinkii dhacay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka

Exit mobile version