Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Amar cusub siiyay Guddiga Qaran ee Gurmadka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Guddiga uu la kulmay ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka iyo gurmadka socda, lagu sheegay Qoraal kulanka laga soo saaray.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa faray in howlaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

Kulanka uu Saalax Axmed Jaamac la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa qeyb ka ahaa  xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn.

Exit mobile version