Site icon HORUFADHI MEDIA |

Qaraxyo lagu weeraray Guri uu Muqdisho ka degan yahay Taliye Ciidan & khasaaro

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo miino oo saaka oo Axad ah ka dhacay Guri uu degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho uu ka deganaa Taliyaha ciidamada Nabadsugida degmadaas Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume).

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa lagu qarxiyey guriga Taliya oo ku yaalla xaafada Saban Saban ee degmada Deyniile, waxaana jugta qaraxyada  laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan degmadaas iyo xaafadaha degmooyinka ku dhow Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxyada ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen Taliyaha Nabadsugida Deyniile Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume) iyo taliyihii hore ee NISA Deyniile  Hon Cumar Cabdi Fidow  iyo askari ilaalo u ahaa.

Sidoo kale firirka qaraxyada ayaa waxaa la tilmaamay in waxyeelo kasoo gaareen dad kale oo shacab ah oo ka ag dhawaa guriga Taliyaasha ee saakay qaraxyada lagu weeraray, kuwaasi oo la geeyay xarun caafimaad.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa durbadii gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan qaraxyadan saakay ka dhacay degmada Dayniile, laamaha ammaanka dowladda ayaan weli ka hadal qaraxyada.

Exit mobile version