HORUFADHI MEDIA |

Qaraxyo Is-miidaamin ah oo ka dhacay Maxaas & Khasaaro badan oo ka dhashay  

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo arroornimadii hore ee saaka ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyada ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qaraxyada oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray guryo ay degmada Maxaas ay ka degnaayeen Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo waday abaabulka howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

In ka badan 15-qof oo u badan askar ayaa ku dhimatay qaraxyadan ismiidaaminta ah ee saakay lagu qaaday degmada Maxaas, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan ay ku jiraan saraakiil iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo xarumo Caafimaad la dhigay.

Sida aan wararka ku helnay guryaha qaraxyada lagu weeraray waxaa degnaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminayaya duullaanka la doonayay in lagu xureeyo degmooyinka  Ceelbuur, Galhareeri  iyo deegaano kale oo katirsan Galgaduud.

Xildhibaan Jacfar ayaan ku sugneen xilliga weerarku dhacayay degmada Maxaas, waxaana la sheegay in Jacfar hadda magaalada Muqdisho ku sugan yahay , mana jiraan xildhibaano heer federaal ah oo halkaasi joogay xilliga weerarku ka dhacayay.

Exit mobile version