HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Magaalada Istanbuul

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii cambaareeyay “Weerarka uu ku sheegay mid waxashnimo ah” oo ka dhacay bartamaha Istanbul, kaas oo uu sheegay inay ku dhinteen lix qof.

Qarax ka dhacay bartamaha Istanbul maalinta oo Axad ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 38 kalena, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Istanbul Ali Yerlikaya.

Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa dhacay wax yar kadib 4-tii galabnimo, kaas oo ka dhacay wadada caanka ah ee Istiklal oo ay inta badan dalxiiseyaasha iyo dadka deegaanku iskugu yimaadaan.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa muujinayay holac ka kacay goobta.

Jugta qaraxa ayaa sidoo kale laga maqlay meelo fog fog.

 

Xigasho VOA

Exit mobile version