Site icon HORUFADHI MEDIA |

Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Caasimadda Bangladesh & Khasaaraha

Ugu yaraan 16 qof oo 2 haween yihiin ayaa geeriyootay, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Suuq ku yaalla caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka.

Labo dabaq oo ka mid ah dhismaha uu qaraxu ka dhacay ayaa waxa soo gaaray burbur xoogan.

Ilaa 200 Askar iyo Kooxaha Gurmadka iyo Dab-damiska ayaa ka qeyb galay daminta dabka iyo Samata-bixinta dadka dhaawacmay iyo kuwa ku geeriyootay Qaraxaasi.

9 qof oo aad u liitay waxaa la dhigay Isbitaalka Kollejka Caafimaadka ee (Dhaka Medical College Hospital (DMH).

Taliyaha Guud ee Booliska magaalada Dhaka,  Khandker Golam Faruk oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay socdaan Baaritaanka lagu xaqiijinayo haddii uu Qaraxu ahaa Shil ama uu ahaa Fal Kharbudaad ah.

Ma cadda waxa sababay Qaraxa, iyadoo ay Ciiddanka bilaabeen Baaritaanka  waxa uu ka dhashay Qaraxaasi oo ah kii 3-aad ee isbuucan ka dhaca Caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

Sabtidii la soo dhaafay 7 qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Wershad soo saarta Neefta Oksijiinka oo ku taalla K/bari ee dalka Bangladesh.

Exit mobile version