Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay dhismo la degan yahay oo ku yaalla magaalada Norrköping ee Gobalka Östergötland ee K/Bari dalka Sweden.
Wargeyska maalinlaha ee ugu caansan dalkaasi ee Aftonbladet ayaa qoray inuu qarax xoogan ka dhacay gudaha dhismo ku yaalla Bartamaha magaalada Norrköping oo 160 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Stockholm.
Haweeney iyo Ilmo yar ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kadib, markii ay ku dhaceen Faliirka ama jajabka ka soo duulay Muraayadaha Daaqadaha.
Torbjorn Lindqvist oo ka tirsan Booliska oo la hadlay Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegay in jugta qaraxa laga maqlay Bartamaha magaalada, isla markaana uu burbur baahsan soo gaaray dhismaha uu qaraxu ka dhacay, isla markaana ay soo wada hoobteen Muraayadaha Daaqadaha.
Afhayeenka Booliska, Marcus Annivor waxa uu isagana sheegay inay jiraan caddaymaha Burburka dhismo soo gaaray iyo hareerahiisa, isla markaana ay tiro Gaadiid iyo Dhismooyin ku burbureen.
Dhanka kale, Boliska waxay su’aalo weydiiyeen Goobjoogayaal badan oo iyagu maqlay Qaraxa, balse, Boliska ma xirin dad looga shakiyey Qaraxaasi.
Baaritaano ayey Hay’adaha Ammaanka ee dalkaasi bilaabeen si loo ogaado haddii uu Qaraxaasi ku lug leeyahay falal khatar ah oo horey uga dhacay magaalladda Norrköping, iyadoo dhowr guri la rasaaseeyey.