Site icon HORUFADHI MEDIA |

Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhow Villa Somalia

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax Is-miidaamin ah oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goob maqaayad ah oo ku taalla meel ku dhow isgoyska Sayidka ee degmada Howlwadaag.

Afhayeenka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo soo saaray Qoraal ayaa waxa uu ku sheegay in laamaha ammaanka ay fashiliyeen, isla markaana laga hortagay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu ka gudbo bar koontarool oo ay ciidanka amaanka ku leeyihiin Isgoyska Sayidka.

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray in Askari joogay bar koontarool uu markii hore ka shakiyay ruuxa is qarxiyay, una amray inuu istaago balse uu ka madax adeegay, sidaasina uu isku qarxiyay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Askar joogtay.

Qaraxaan ayaa Xalay jugtiisa waxaa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan halka uu ka dhacay qaraxa iney ka mid tahay meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Exit mobile version