Site icon HORUFADHI MEDIA |

Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Faah faahin laga helay

Qarax miino lagu aasay laamiga dhinaciisa ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan waddada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi, waxaana laga helayaa faah faahino qaraxaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay kusoo warrameen in qaraxa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo wadada marayay xilligii uu qaraxu dhacaayay, inkastoo aan la ogeyn cid gaarigaas saarneyd oo uu bartilmaameedka qaraxii dhacay ahaa.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu haleelay gaariga, isla markaana uu jiro khasaaro. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Booliska Milataaro ayaa gaaray goobta, isla markaana durbadii joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi.

Qaraxyo miinooyin ah oo la geliyay hareeraha laamiga ayaa marar badan ka dhacay Wadada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaas qaraxyada ka dhacay ay qaarkood dhaliyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmihii dambe ahaa mid soo hagaagayay oo ay shacabka ka nasteen qaraxyadii dhici jiray, inkastoo mararka qaarkood ay dhacaan falal amni darro ah sida dilal qorsheysan oo ay geystaan rag ka tirsa Al-Shabaab.

Exit mobile version