Site icon HORUFADHI MEDIA |

Qaramada Midoobey oo Ergey cusub usoo magacaawday Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa soo magacaawday ergeyga cusub ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaan doona, kaasi oo bedelaya James Swan oo ah ergeyga gaarka ah ee hataan Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa Catriona Laing u soo magacaabay inay noqoto Madaxa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, taasi oo u dhalatay waddanka Ingiriiska.

António Guterres, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadii uu James Swan soo qabtay iyo hoggaamintiisa intii uu hayay talada ugu sarreysa xafiiska, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobey.

Catriona Laing, kuma cusba arrimaha Soomaaliya oo waxa ay madax ka ahaan jirtay Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sannadihii 1993 ilaa 1994kii.

Aqoon ahaan, waxay shabaadaha labaad ee Jaamacadda ee Mastarka loo yaqaan ka qaadatay kulliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London oo ay ka baratay arrimaha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale shahaado la mid ah taa ka qaadatay Jaamacadda Crandfield oo ay ka baratay culuunta maamulka iyo maareynta ganacsiga.

Exit mobile version