Site icon HORUFADHI MEDIA |

Qaramada Midoobay oo Digniin kasoo saartay Dagaallada ka socda Suudaan

Dagaalada ka socda gudaha Dalka Sudaan ayaa galay todobaadkii saddexaad, iyadoo dhinacyada isku haya dalkaasi ay weli wadaan dagaallo xoogan ,oo meesha ka saaray heshiisyadii xabad joojinta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay burbur,isaoo tilmaamay in marka uu burburayo dalku,aysan jirin sabab loogu dagalamo qabsashada awoodda maamul ee uu leeyahay dal.

Dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo xoogagga Taakulaynta degdegga ah (RSF) ayaa galay todobaadkii  saddexaad,iyagoo dhaliyay dhimasho ka badan shan boqol oo ruux iyo barakac xoogan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa qeylo dhaan ka soo saartay dagaaladaasi, waxayna ka digaysaa in rabshadaha socda ay keeni karaan xaalad bani’aadamnimo oo saameeya dhammaan Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan Abdalla Hamdok ayaa ka digay in iskahorimaadka ka socda Suudaan uu noqon karo mid ka mid ah dagaalladii sokeeye ee ugu xumaa adduunka haddii aan goor hore la joojin.

Exit mobile version