Site icon HORUFADHI MEDIA |

Puntland oo ka hortimid Go’aankii kasoo baxay Isimida & farriin Culus oo…

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid qodob ka mid ah qodobo ay soo saareen isimida Gobolka Bari oo lagu xalinayey khilaafka soo kala dhex galay Maadaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo hogaanka ciidanka PSF.

Odayaasha dhaqanka ayaa qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ahaa in guryaha, hubka iyo Gaadiidka ciidanka PSF uu milkiyadooda leeyahay taliyaha xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano, taas bedelkeedana u wareejiyo xilka.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in guryaha, hubka iyo Gaadiidka ciidanka PSF ay tahay hanti ay leeyihiin shacabka Puntland, waxaana qoraalku wax laga xumaado ku tilmaamay in isimida Puntland ay siiyaan shaqsi gaar ah.

Agaasimihii hore ee ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa waxaa la faray inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u wareejiyo xilka Agaasimaha PSF-ta, xili Puntland ay horey u sheegtay in tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo sameeysa amar diido.

 

Exit mobile version