Site icon HORUFADHI MEDIA |

Puntland oo Eedeyn culus u jeedisay Dowladda Federaalka

Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka jareen deeqihii iyo mashaariicda horumuarineed ee laga fulin jiray deegaannada maamulkaasi, kadib markii uu xumaaday xiriirka ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

Maxmed Cabdirxmaan Dhabancad oo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay isbaaro u dhigtatay deeqihii lasiin jiray, isla markaana deeqaha caalamiga ah aysan dalka gaarsiin.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda ay caqabad ku tahay hanaanka dowlad dhiska dalka ee soo socday, isagoo xusay in looga baahnaa in ay ka shaqeeyaan dalka oo dhan hormarkiisa,.

Sidoo kale Dhabancad ayaa sheegay in dowladda ka jirta Muqdisho hub siyaasadeed ka dhigteen mashaarcda caalamku siiyo Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Puntland uu xusay in ay hor istaageen dhammaan mashaarciidii horumarineed ee laga fulin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa cadeeyay in Puntland ay shuruuc adag u dejisey maamulidda mashaarciideeda hormarineed iyo deeqaha caalamka ee la siiyo, waxa uuna xusay in hubin badan lagu sameeyo waxyaabaha lagu fulinayo deeqa iyo mashaariicda horumarineed.

Khilaafka u dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sababay in hakad galaan mashaariicdii horumarineed ee Puntland laga fulin jiray, waxaa sidoo kale dowladda federaalka adkeysay deeqihii caalamka kasoo gaari jiray Puntland.

Exit mobile version