Site icon HORUFADHI MEDIA |

Puntland oo Amartay in lasoo xiro siyaasiyiin uu ku jiro La-taliye Xasan Sheekh

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta soo saartay amar waaran ah oo lagu soo qabanayo siyaasiyiin xilal kala duwan kazoo qabtay maamulka Puntland, kuwaasi oo haatan qaarkood xilalka ka haaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa waaran soo qabasho ah loogu jaray afarta siyaasi oo kala ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Madaxweyne Xasan Sheekh, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Puntland ayaa siyaasiyiinta waxa ay ku eedeysay inay khal-khal amni ka abuureen Puntland, isla markaana ay ka sameeyeen dagaalkii habeen hore meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Garoowe ku dhxemaray ciidanka Puntland iyo ciidamo hubeysan.

Dagaalkii dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, dagaalka ayaa markii hore ka bilowday, kadib markii jidka loo galay ciidanka Puntland oo gelbinayay sanaadiiqda doorashada Puntland ee Gobolka Bari.

Siyaasiyiinta xeer ilaalinta Puntland ammartay in lasoo xiro ayaan wali ka hadlin arrintan, lamana oga sida ay ku suurto geli karto in lasoo qabto siyaasiyiintan oo ah kuwa hubeesan awood badana ku leh deegaannada Puntland.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa hataan u muuqata mid cakiran, iyadoo halkaas looga diyaar garoobayo doorashooyinka golayaasha deegaanada Puntland, waxaana doorashada kazoo horjeestay inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Exit mobile version