Site icon HORUFADHI MEDIA |

NISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad halis ah oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo…

Hay’adda Nasadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Shabakad Alshabaab ay u diyaarisay qalqal-gelinta Amniga magaalada Baydhabo oo Xarun KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha Nabad sugida Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan Shaahiyow ayaa sheegay in tirada la qabtay ay gaareyso 12-ruux, islamarkaana hadda ay ku jiraan gacanta laamaha amniga, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.

Shabakadda ay Ciidamada Amniga ee NISA ay qabteen ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan dad qaba Baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan.

Taliyaha Nabadsugida Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan ayaa waxaa uu intaas hadalkiisa kusii daray in xubnaha gacanta lagu dhigay la horkeeni doono Cadaaladda,

Soo qabashada Shabakadan ayaa waxaa la sheegay inay timid, kadib markii shacabka iyo laamaha amniga magaalada Baydhabo ee Xarunta Baay ay wadashaqeyn yeesheen, sidaasina lagu qabtay xubnaha.

Exit mobile version